Diyaarado duuliye la’aan ah oo hakad geliyey hawlihii garoonka Copenhagen.

0
29

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dalalka Denmark iyo Norway ayaa ku khasbanaaday in ay xiraan garoomadooda diyaaradaha, ka dib markii laga war helay diyaarado aan duuliye lahayn oo dul heehaabaya.

Booliska Denmark illaa hadda ma sheegin tirada iyo nuucyada diyaaradaha lagu arkay nawaaxiga Copenhagen Airport, laakiin waxay qireen in diyaaradaha ay sida muuqata hagayeen dad aqoon u leh hawsha ay hayeen. Boolisku waxay intaas ku dareen in heegan la geliyey ciidamada qalabka sida, balse aysan u muuqan halis ay diyaaradahaas dadka iyo deegaanka ku hayeen.

War ka soo baxay mas’uuliyiinta garoonka Copenhagen ayaa dadka looga digey suurtogalnimada daah iyo dib-dhac ku yimaada dhoofka, balse waxaa hawlaha garoonka dib loo furay, ka dib afar saac oo hawadu xirnayd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here