Saddex dal oo Afrikan ah oo ka baxaya Maxkamadda ICC

0
3

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dalalka Burkina Faso, Mali iyo Niger ayaa ku dhawaaqay in ay si deg-deg ah uga baxayaan Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC), taas oo ay ku tilmaameen “aalad gumeysigu u sameystay caburin iyo cagajugleyn”.

Saddexdan dal ee askartu maamusho ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku caddeeyeen in aysan aqoonsaneyn awoodda sharci ee maxkamadda ICC ee ku taal magaalada The Hague ee dalka Holland.

“Maxkamadda ICC waxaa caddaatay in aysan qaban karin dadka ay ku cad yihiin dambiyada dagaalka, dambiyada aadanaha ka dhanka ah, xasuuqa iyo dambiyada gardarrada ku dhisan”, ayaa lagu yiri war wadajir uga soo baxay saddexda hoggaamiye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here