Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dowlada Faransiiska ayaa si rasmi ah u aqoonsatay dowlad ay leeyihiin Falastiin, isagoo noqday dalkii ugu dambeeyay ee dhowr dal oo tallaabadan qaaday.
Isagoo ka hadlayay xarunta Qaramada Midoobay ee New York, Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa yiri “waqtigii nabadda ayaa la gaaray” wuxuuna yiri “wax qiil ah looma hayo dagaalka Qasaka socda”.
Faransiiska iyo Sacuudiga ayaa martigelinaya shir hal maalin ah oo ka dhacaya Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay kaas oo diiradda lagu saarayo qorshe xalka labada waddan.
Waddamada G7 Germany, Italy, iyo US ma aysan soo xaadirin kulanka.
Belgium, Luxembourg, Malta, Andorra iyo San Marino ayaa sidoo kale lagu wadaa inay aqoonsadaan dowlad ay leeyihiin Falastiin, ka dib markii UK, Canada, Australia iyo Portugal ay Axadii ku dhawaaqeen aqoonsi.