Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tareenka Liverpool ayaa ka gudbay Everton kulanka Merseyside Derby iyaga oo ku badiyay 2/1 kulan ka dhacay garoonka Anfield ee magaalada Liverpool, iyadoo ciyaartani ka tirsanayd wareegga shanaad ee horyaalka Premier League.
Mohamed Salah ayaa ka qeyb qaatay samaynta goolka koowaad ee kooxda Reds, isagoo baas heer sare ah siiyey ciyaaryahanka Ryan Gravenberch, kaasoo si qurux badan u dhaliyey goolka isagoo kubbadda si taabasho ah ugu diray shabaqa goolhaye Jordan Pickford, taasoo kooxdiisu ku hormartay goolka koowaad daqiiqaddii 10aad.
Liverpool ayaa sii waday weerarkeeda taasoo dhalisay gool labaad. Goolkan waxaa dhaliyey Hugo Ekitike, iyadoo caawinta uu bixiyay Ryan Gravenberch mar kale, goolkaasna waxaa la dhaliyey daqiiqaddii 29-aad, iyadoo sidaas lagu galay nasashada qeybta hore ee ciyaarta.