Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kumanaan qoys ayaa isku dayaya inay ka qaxaan magaalada Qaza xilli ciidamada Israa’iil ay xaqiijiyeen inay bilaabeen howlgallo dhulka ah oo qeyb ka ah weerarrada ballaaran ee ay ku doonayaan inay ku qabsadaan magaalada.
Lina al-Maghrebi, oo 32 jir ah, hooyo saddex carruur ah leh oo deggan xaafadda Sheekh Radwan ee magaalada ayaa BBC-da u sheegtay in ay ka madax adaygtay in ay ka baxdo gurigeeda – inkasta oo ay khatartu jirto – ilaa ay ka heshay taleefoon uu soo diray sarkaal Israa’iili ah oo ku amray in ay ka guurto.