Poland oo soo ridday diyaarado uu Ruushku leeyahay.

0
5

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ciidammada Poland ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka ‘la soo riday’ – waa markii ugu horreysay ee hawada dal ka mid ah Nato uu si toos ah u soo galaan diyaaradaha Ruushka, tan iyo markii uu billowday dagaalka Ukrayn 2022-kii.

Diyaaradaha Poland iyo Nato ayaa la geeyay xarumaha ciidammada cirka, iyadoo mas’uuliyiintu ay sheegeen in ay adkeeyeen hawada Poland, subaxnimadii Arbacada.

Raysal wsaaraha wasaaraha dalkaas, Donald Tusk, oo ku sugnaa goobta ay howgallada ka socdeen, ayaa bartiisa X ku qoray in tani ay tahay dhacdo “la xidhiidha xadgudubyo badan oo lagu sameeyay hawada Poland.”

Baaxadda duulaanka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushku ayaa u muuqda in hawada Poland iyo dalalka Nato ay galayaan, sida uu ku warramayo weriyaheenna Kyiv.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here