Faransiiska oo Wajaheysa qalalaase siyaasadeed.

0
35

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Faransiiska ayaa galay qalalaase siyaasadeed oo cusub, kadib markii laga adkaaday Ra’iisul Wasaare François Bayrou oo codka kalsoonida uu u qaaday Baarlamaanka dalka.

Guuldarada – 364 cod iyo 194 – waxay ka dhigan tahay in Bayrou uu maanta oo talaadada ah istiqaalada dowladdiisa hordhigi doono madaxweyne Emmanuel Macron oo ay tahay inuu hadda go’aan ka gaaro sidii uu u beddeli lahaa. Xafiiska Macron ayaa sheegay in tani ay dhici doonto “maalmaha soo socda”.

Xulashooyinka waxa ka mid ah magacaabista ra’iisul wasaare cusub oo ka socda garabka dhexe, soona jiida asxaabta Bidixa u janjeerta iyo helida magac la jaanqaadi kara xisbiga Hantiwadaaga iyo kala dirida baarlamaanka si doorasho cusub loo qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here