Cristiano Ronaldo Oo Jabiyay Rikoorkii Lionel Messi.

0
36

Jowhar – ( Radio Isnaay )  – Inkastoo tartankii u dhexeeyay Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi uu marayo heerkii ugu dambeeyay ee xirfadooda, labadooduba wali waxay sii wadaan raadinta rikoorro — waxaana hadda Ronaldo hogaaminaya tartankii ugu dambeeyay.

Weeraryahanka Al Nassr ayaa dhaliyay laba gool kulankii ay Portugal 5-0 kaga adkaatay Armenia kulanka isreeb-reebka Koobka Adduunka, taasoo u suurtagelisay inuu ka sara maro Messi marka la eego rikoorka kale oo uu hadda si dhow ugu sii socdo.

Waxaa tani muujinaysa in inkastoo ay da’doodu korodhay, Ronaldo iyo Messi wali yihiin kuwo aan joojin doonin tartanka goolasha iyo rikoor jabinta — xilli Ronaldo hadda u muuqdo mid hore u sii maraya.

Labadii gool ee uu dhaliyay Cristiano Ronaldo kulankii Armenia ayaa ahaa goolashiisii 37-aad iyo 38-aad ee isreeb-reebka FIFA World Cup, taasoo ka dhigtay inuu ka sare maro Lionel Messi, oo leh 36 gool tartankaas.

Carlos Ruiz, oo u dhaliyay 39 gool xulkiisa Guatemala intii lagu jiray isreeb-reebka CONCACAF.

Carlos Ruiz, oo hore ula ciyaaray David Beckham iyo Landon Donovan kooxda LA Galaxy, waa gooldhaliyaha ugu sareeya taariikhda xulka Guatemala, isagoo dhaliyay 68 gool 133 kulan.

Sidoo kale, Ronaldo iyo Messi ayaa ah gooldhaliyeyaasha ugu sareeya abid ee xulalkooda:

Cristiano Ronaldo: 140 gool – 222 kulan (Portugal)

Lionel Messi: 114 gool – 194 kulan (Argentina)

Ronaldo ayaa hadda si aad ah ugu dhow inuu jebiyo rikoorkii Carlos Ruiz, taasoo ka dhigan inuu noqon karo ciyaaryahanka ugu goolasha badan taariikhda isreeb-reebka Koobka Adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here