Man United Oo Ogolaatay In Ay iska Iibiso Onana

0
7

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester United ayaa heshiis afka ah la gaartay kooxda Trabzonspor si ay amaah ugu qaadato Andre Onana.

Si kastaba ha ahaatee, go’aanka ugu dambeeya wuxuu hadda gacanta ku hayaa goolhayaha xulka Cameroon.

Onana xilli-ciyaareedkan wuxuu ka soo muuqday oo kaliya wareegga labaad ee Carabao Cup, ciyaartii ay ku hartay kooxdu Grimsby Town.

Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa ilaa hadda doorbiday Altay Bayindir in uu u ciyaaro kulamada Premier League ee kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here