Lacagaha dollarka Mareykanka oo hoos u dhac weyn uu ku yimid.

0
30

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Lixdii bilood ee ugu horreysay sanadkan 2025, dollarka Maraykanku waxaa ku dhacay hoos u dhacii ugu xumaa ee in ka badan 50 sano marka la eego qiyaasta loo isticmaalo in lagu qiyaaso awoodda lacagta Maraykanka.

Hoos u dhaca guud ee lacagta ayaa ahaa 11 boqolkiiba caalamka bishii Oktoobar, iyadoo dollarka Mareykanka lala barbar dhigay lix lacagood oo kale – Euro, Yen, Pound, Doolarka Kanada, Karoonka Iswidhishka iyo Faran Swiss-ka.

Guuldarrooyinka noocan oo kale ah ayaa horay u dhacay. Laakiin in sarrifka doollarku sidan hoos ugu dhacay markii qaar kale ay kor u kaceen ayaa ah mid su’aal gelinaysa awooda dollarka Maraykanka, waxaanay khubarrada dhaqaaluhu walaac ka muujinayaan arrintan.

Walaaca laga muujiyey waxaa ka mid ah hoos u dhaca ku yimid kaydka sarrifka lacagaha qalaad ee bangiyada ugu waaweyn caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here