Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Joe Biden, ayaa dhawaan lagu sameeyay qalliinka kansarka maqaarka ku dhaca, sida ay sheegtay afhayeen u hadashay madaxweynaha hore ee Mareykanka.
Biden waxaa lagu sameeyay qalliinka nooca la yiraahdo Mohs, iyadoo wareysi siisay wakaaladda wararka CBS News ee Mareykanka, taas oo ay bah wadaag yihiin BBC-da, laakiin ma aysan ka bixin faahfaahin dheeraad ah.
Habkaan waxaa loo isticmaalaa in maqaarka la jaro ilaa aysan jirin wax raad ah oo kansar ah oo ku haray.
82 jirkaan ayaa la arkay dhaawac ka soo gaaray dhanka midig ee madaxiisa maalmihii la soo dhaafay.
Sannadkii 2023, Biden waxaa laga saaray nabar kansar ah oo maqaarkiisa ka soo baxay gaar ahaan xabadka intii lagu guda jiray baaritaan caafimaad oo joogto ah oo lagu sameynayay.