Pedri Oo Magacaabay Laba Xiddig Oo Premier League Ka Ciyaarta Oo Uu Ku Riyoodo Inay Barcelona Kusoo Biiraan.

0
6

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona, Pedri González, ayaa shaaca ka qaaday laba ciyaaryahan oo uu ku riyoonayo inay ku soo biiraan Camp Nou, kuwaas oo ah Rodri Hernández iyo Erling Haaland oo ka tirsan Manchester City.

Padri ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id kadib dhacdo xayeysiis ah oo lagu qabtay xerada tababarka xulka Spain ee Ciudad del Fútbol. Wuxuu si weyn u ammaanay saaxiibkiisa xulka qaranka Spain, Rodri, iyo weeraryahanka reer Norway ee Haaland, kaas oo loo arko gool-dhaliye aan caadi ahayn.

Markii la weydiiyay cidda uu doonayo inuu Barcelona u soo saxiixo, Pedri ayaa si kooban uga jawaabay:
“Xulka qaranka: Rodri. Dibadda: Haaland.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here