20 qof oo ku dhimatay dhulgariir ka dhacay dalka Afghanistaan.

0
31

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dhulgariir cabirkiisu dhan yahay 6.0 ayaa ku dhuftay bariga dalka Afgaanistaan.

Saraakiisha ayaa BBC-da u sheegay in ugu yaraan 20 qof ay ku dhinteen in ka badan 100 kalena lagu daweynayo isbitaallada kuwaas oo dhaawacyo soo gaaray.

Tobaneeyo guri ayaa “burbur ku hoos jira”, sida laga soo xigtay ilo badan oo ka tirsan xukuumadda Taliban, waxaana laga cabsi qabaa in dhimashadu ay sii korodho.

Saraakiisha xukuumadda Taliban ayaa ku booriyay hay’adaha samafalka inay ka qaybqaataan gurmadka lagu badbaadinayo dadka meelaha fog fog ee buuraleyda ah.

Dhulgariirka ayaa ruxay dhismayaal laga soo bilaabo caasimadda Kabul ilaa caasimadda Pakistan ee Islamabad – oo in ka badan 300km (186 mayl) u jirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here