Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Gudoomiyaha Degmada Kaaraan mudane Faarax Cadaani ayaa maanta xariga ka jaray waddo interlock ah oo laga dhisay waaxda Wajeer ee degmada Kaaraan. Waddadaan oo ku taala agagaarka Muno Appartment ayaa qeyb ka ah dadaallada maamulka degmada iyo bulshada dagan degmadaas ay ku hormarinayaan adeegyada waddooyinka. Waxaana munaasabaddan xarig jarka ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada dagan degmadaas waxaana ugu horreyn halkaas ka hadlay gudoomiyaha ururka haweenka degmada Kaaraan iyo qaar ka mid ah dadka deegaanka.
waxaa soo jeedinaya : – Nuur Maxamed.