Masar oo sheegtay in aysan ogolaan doonin in dal gaar ah jabiyo Sharciga Caalamiga ah ee Wabiga Nile.

0
3
Jowhar-(Isnaay Radio)- Kaddib markii lagu dhawaaqay in biyo-xireenka weyn ee Itoobiya la furayo bisha Sabtember ee sanadka dambe ayey Masar waxay u sheegtay dhowr dal oo Afrikan ah in aysan aqbaleyn “tallaabo kasta oo hal dhinaca ah ee biyaha Nile taas oo jabineysa qeynuunka caalamiga”.

Wasiirka arrimaha dibadda Masar Badar Axmed Cabdil-caadi ayaa hadalkan si gaar gaar ah khadka teleefonka ugu sheegay wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Sudan, Sudanta-koonfureed, Uganda, Kenya, Djibouti iyo Somalia.

Hadalka wasiirka arrimaha dibadd Masar ayaa soo baxay kaddib markii dhawaan ay Itoobiya ku dhawaaqday wajiga shanaad ee biyo-xireenka dhismihiisu uu qaatay 14-ka sano kaas oo ay ku baxday shan bilyan oo doolar, waxaana la dhameyn doono lana furi doono bisha Sabtember ee sanadka dambe.

Masar waxay Itoobiya ugu digeysay in aysan sii wadin in ay biyo-xireenka ka buuxiso biyo, wayna ku celcelisay iyadoo sheegtay in uu jiro sharci saddex geesood ah oo ay wada galeen dalalka uu maro wabiga.

Masar waxay ku celisay mowqifka ay ka taagan tahay biyo-xireenka.

Warbaahinta Masar waxay sheegeen in wasiirka uu diiday tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo la xiriirta biyaha wabiga taas oo jabineysa qeynuunka caalamiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here