Dibadbaxyo ka socda Israa’iil oo lagu dalbanayo joojinta dagaalka Qasa

0
7

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kumanaan qof ayaa mar kale isugu soo baxay qaybo ka mid ah Israa’iil, iyagoo dalbanaya in dagaalka Qasa xabad-joojin lagu dhameeyo.

Dadka mudaharaadaya ee Israa’iiliyiinta ah ayaa sheegaya in qorshaha milatari ee dowladoodu ay ku dooneyso in ay Qasa ku qabsato uu khatar galin karo nolosha la haystayaasha ku haray gacanta Xamaas.

Wasiirkii hore ee Difaaca Israa’iil, Benny Gantz, ayaa ugu baaqay muwaadiniinta inay taageeraan qorshe lagu dhisayo xukuumad midnimo qaran si ay gacan uga gaysato sii deynta dadka wali xiran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here