Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Martin Odegaard iyo Bukayo Saka ayaa dhaawacyo soo gaareen kulankii ay Arsenal Ka badisay Leeds United kulan ka tirsanaa premier league.
Kabtanka Gunners Odegaard ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee la badalay kadib markii uu Dhaawac garabka ah Soo gaadhay qaybtii hore ee ciyaarta.
Waxa uu isku dayay in uu sii ciyaaro laba jeer laakiin Mikel Arteta Go’aansaday in uu badalo isaga oo lagu badalay Ethan Nwaneri.
Saka oo dhaliyay goolkii labaad ee Arsenal ka hor qeybta nasashada ayaa calaamada kabtanimada ka qaatay Odegaard.