Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddigii hore ee kooxda Arsenal Paul Merson ayaa aaminsan in Gunners ay ku guulaysan doonto Horyaalka Premier League Xilli Ciyaareerdkan kadib markii ay la Soo saxiixatay xiddiga Eberechi Eze.
Khadka dhexe ee weerarka Crystal Palace ayaa qarka u saaran inuu ku biiro kooxda Mikel Arteta suuqan xagaaga.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa diiday inuu u dhaqaaqo Tottenham si uu ugu biiro Arsenal.
Merson waxa uu aaminsan yahay in Eze uu ku Soo baxayo Arsenal isla markaana uu wax ka badali karo ciyaarta taas oo Arsenal ka caawin doonta in ay ku guulaysato horyaalka Premier league.