Mareykanka oo u muuqda inuu isku diyaarinayo qabsashada dalka Venezuela

0
66

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Mareykanka ayaa u muuqda inuu isku diyaarinayo qabsashada dalka Venezuela oo heysta kaydka ugu badan ee shidaalka caalamka.

Waxaa la arkay hab-raac suragal ka dhigaya duullaan uu Mareykanka ku qaado Venezuela.

Mareykanka wuxuu diiday jiritaanka dawladda Venezuela ee uu hoggaamiyo , Nicolas Maduro oo Mareykanka uu madaxiisa ku raadinayo 50 milyan oo dollar.

Mareykanka wuxuu sheegay in Maduro uu boobay doorashadii u dambeysay oo aysan sharciyad ku dhisnayn dawladiisa, taa oo la macno ah Mareykanka wuxuu u aqoonsanyahay dal aan dawlad lahayn Venezuela.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here