Gary Neville Oo Saddex Kooxood Ka Saaray Tartanka Premier League.

0
52

Jowhar – ( Radio Isnaay ) –  Gary Neville ayaa saddex kooxood ka saaray tartanka horyaalka Premier League kadib todobaadki furitaanka ee xilli ciyaareedka cusub oo xiiso lahaa.

Kooxda difaacanaysa koobka ee Liverpool ayaa ku bilawday difaacashada horyaalka kadib markii ay 4-2 ku garaacday Bournemouth, waxaana sidoo kale guulo gaadhay kooxaha Arsenal iyo Manchester City.

Arsenal ayaa guul 1-0 ah ka gaartay kooxda Manchester United halka Man City ay afar gool ku garaacday Wolves.

Neville ayaa aaminsan in Liverpool, Arsenal iyo Manchester City ay ku dagaalami doonaan horyaalka halka uu sheegay in ay Arsenal tahay kooxda ugu cad-cad kadib qaab ciyaareedkii todobaadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here