Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah u joojisay wada-xaajoodkii arrimaha ganacsiga ee kala dhaxeeyay Hindiya , iyadoo go’aankan lagu sheegay mid muujinaya heerka uu gaarsiisanyahay khilaafka ka dhaxeeya labada dal, sida ay sheegtay Reuters.
Maamulka Maraykanka ayaa horey ugu dhawaaqay 25% cashuur guud oo saaran dhammaan badeecadaha ka yimaada India.
Sidoo kale Mareykanka ayaa markale 25% oo ganaax dheeraad ah ku soo rogay sababo la xiriira siyaasadda India ee shidaalka Ruushka, taasoo weli dhaqan galaysa 27 August, taasoo wadarta cashuurta ka dhigaysa 50%
Arrintan waxay qayb ka tahay xiisadaha sii xoogeysanaya ee ganacsi iyo siyaasadeed ee u dhexeeya Maraykanka iyo India.