Jowhar – ( Radio Isnaay ) -Kulanka ugu xiisaha badan Premier League todobaadkan ayaa dhexmari doona kooxaha Man United iyo Arsenal kulan ka dhici doona Old Trafford.
Man United ayaa Kulanka Soo galaysa iyaga oo doonaya in ay si fiican ku bikowdaan Xilli Ciyaareerdka.
Arsenal ayaa dhinaca kale doonaysa in ay guul ku bilaabato Xilli ciyaareedkan oo ay ku rajo weyntahay in uu noqdo Xilli Ciyaareerdkeedii.
Kulanka: Man United Vs Arsenal
Tartanka: Premier League
Wakhtiga: 7:30
Garoonka: Old Trafford
XAAQIIQOOYINKA KULANKA:
Manchester United ayaa laga badiyay kaliya labo ka mid ah 18-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League ay gurigeeda kula ciyaartay Arsenal (W10 D6), inkastoo labada guuldarro ay kala kulmeen Mikel Arteta oo Gunners maamula (1-0 labadii November 2020 iyo May 2024).
Arsenal ayaa shabaqa soo taabatay 11-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League ee ay martida u ahayd Manchester United (14 gool), kaliya waxay awoodeen inay shabaqa soo taabtaan 10 ka mid ah 22kii kulan ee ugu horeysay ee ay booqdeen Old Trafford tartanka (11 gool).
Manchester United ayaa badisay 99 ka mid ah 243 kulan oo ay la ciyaartay Arsenal tartamada oo dhan (D55 L89). Waxa ay kaliya garaaceen Aston Villa (107) in ka badan, halka ay noqon lahaayeen kooxdii abid ugu horeysay ee 100 jeer garaacda Gunners.