Garaadka macmalka (AI) oo sameeyay dawooyin cusub oo la dagaallamaya jabtada

0
13

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Cilmi-baarayaal ka tirsan jaamacadda Massachusetts Institute of Technology (MIT) ayaa sheegay in garaadka macmalka ahi (AI) uu si unug-unug ah u naqshadeeyay laba daawo oo cusub oo lagu dili karo bakteeriyada adkaysiga leh ee keenta cudurrada jabtada iyo MRSA.

Dawooyinkan ayaa lagu guuleystay in lagu tijaabiyo sheybaarka iyo jiirarka, balse weli waxay u baahan yihiin sannado hagaajin ah iyo tijaabooyin caafimaad ka hor inta aan loo oggolaan dadka.

AI-ga ayaa la baray qaab-dhismeedka kiimikooyinka la yaqaan iyo sida ay bakteeriyadu uga falceliyaan, taas oo u suuragelisay inuu si toos ah u naqshadeeyo dawooyin cusub oo aan hore loo arkin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here