Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dowladda Suudaanta koofureed ayaa si adag u diiday warar sheegaya inay kala xaajoonaysay Maraykanka iyo Israa’iil qorshe dib u dejin loogu dejinayo Falastiiniyiinta Qasa.
Warbixinno soo baxay toddobaadkan ayaa lagu sheegay in dalka ugu da’da yar caalamka uu wado qorshayaal Tel Aviv ka leedahay sidii loo fududeyn lahaa barakicinta ballaaran ee dadka reer Qasa, taasoo cambaareyn xooggan kala kulantay Jaamacadda Carabta iyo Masar.