Tirada doomaha Ee gasha UK oo gaartay in ka Badan 40,000.

0
42

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tirada dadka tahriibayaasha ah ee doomaha yar yar uga gudbaya kanaalka Ingiriiska tan iyo markii xisbig shaqaalaha ay xilka la wareegeen xagaagii hore ayaa gaartay 50,000.
Xogta Xafiiska Arrimaha Gudaha waxay muujinaysaa in 49,797 qof ay safar kusoo galeen ilaa Axaddii
Baroness Smith oo ka tirsan dowladda UK ayaa sheegtay in tani ay tahay “tiro aan la aqbali karin” balse waxay tilmaantay “in mid ka mid ah, ka dhalatay ” heshiiska ay lala galay Faransiiska si looga hortago

Laakiin xisbiga muxaafidka ayaa sheegay in wadarta guud ee soo galootiga ay muujinayso in xidbiga Shaqaaluhu “is ay dhiibeen xudduudahayaga”.
Tiradan ugu dambeeysa ayaa imaanaysa iyadoo wasiirradu ay sii wadaan inay la tacaalaan sidii wax looga qaban lahaa kooxaha dadka tahriibiya – taas oo ah ballan-qaad muhiim ah oo uu sameeyay Sir Keir Starmer markii uu noqday ra’iisul wasaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here