Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya oo Kulan laqaatay Dhigiisa Dalka Aljeeriya.

0
14

Jowhar-(Isnaay Radio)- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Wasiir Cabdisalaam Cabdi Cali , ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Aljeeriya, Mudane Axmed Ataf, kaas oo ka dhacay magaalada Aljeres, caasimadda dalkaasi.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Aljeeriya, gaar ahaan dhinacyada difaaca, amniga, waxbarashada, farsamada gacanta, iyo xoolaha. Labada Wasiir ayaa isla gartay in la dhiso guddi heer Wasiir ah oo labada dal ka dhaxeeya, si loo adkeeyo iskaashiga labada dowladood, loona horumariyo xiriirka labada dhinac.

Warbixintaan waxaa inoo soo Jeedinaya:- Cabdifitaax Axmed Maclow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here