Jowhar-(Isnaay Radio)- Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Shabeellaha Dhexe Fadumo Caddow Sangaab ayaa warbixin ka bixisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarinta dhaqaalaha gobolka iyo guud ahaan dalka.
Guddoomiyaha ayaa sheegtay in haweenku ay yihiin laf-dhabarka nolosha bulshada, gaar ahaan marka ay timaado ganacsiga yar-yar, beeraleyda, iyo hawlaha suuq-geynta waxay xustay in haween badan ay si maalinle ah ugu shaqeeyaan sidii ay qoysaskooda u maareyn lahaayeen, taasoo qeyb ka ah kororka dhaqaalaha gudaha.
Warbixintaan waxaa inoo soo Jeedineeysa:- Sahro Cabdi Xuseen.