Faahfaahino laga helayo Dhulgariir xalay kudhacay Dalka Turkiga

0
109

Jowhar- (Isnaay Radio)- Hal qof ayaa ku dhintay dalka Turkiga ka dib markii dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.1 uu ku dhuftay gobolka waqooyi-galbeed ee Balikesir fiidnimadii Axadda.

Haweeney 81 sano jir ah ayaa geeriyootay wax yar kadib markii laga soo saaray burburka magaalada Sindirgi ee xuddunta u aheyd dhulgariirka, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Turkiga.

Ilaa 16 dhismo ayaa ku dumay gariirkii ka dhashay, waxaana ku dhaawacmay 29 qof, ayuu Cali Yerlikaaya hadalkiisa ku daray.

Hay’adda maaraynta musiibooyinka Turkiga ayaa sheegtay in dhulgariirka la duubay abaaro 19:53 waqtiga maxalliga ah waxaana laga dareemay meel fog ilaa Istanbul.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa soo saaray bayaan uu ugu rajeeyay soo kabasho degdeg ah qof kasta oo uu saameeyay, wuxuuna sheegay in dhammaan dadaallada soo kabashada si dhow isha loogu hayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here