
Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Baraha bulshada sida Facebook, Instagram, TikTok, iyo Snapchat ayaa noqday qayb ka mid ah nolosha dhalinyarada. Waxa ay u sahlaan in ay la xiriiraan asxaabtooda, helaan xog cusub, iyo in ay muujiyaan dareenkooda. Hase ahaatee, waxay u isticmaalaan si xad dhaaf, wuxuuna sababaa xad dhaafka baraha bulshada dhibaatooyin kala duwan oo saameeya caafimaadka maskaxda, waxbarashada, iyo xiriirka bulshada.
Waxaa soo jeedinaya : – Nuur Maxamed.