Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ururka isxilqaan ayaa maamulka magaalada Caabud waaq ku wareejiyey baabuur dab damis iyo gaari booyad ah oo lagu xoojinayo adeegyada dab damiska iyo gurmadka degdega ah. Munaasabadda wareejinta ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay ugaas Maxamed ugaas Axmed, Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka Galmudug, maamulka degmada Caabud waaq, ururka isxilqaan, Odoyaasha dhaqanka, ururka haweenka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Waxaa soo jeedinaya : – Nuur Maxamed.