Carruur nafaqo-darro ugu geeriyootay Qasa

0
61

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ilaa 11 dhimasho dheeraad ah oo ka dhalatay nafaqo-darro ayaa laga soo sheegay Qasa, sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee ay Xamaas maamusho.

Tan ayaa tirada guud ee dhimashada la xiriira nafaqo-darrada ka dhigeysa 212, oo ay ku jiraan 98 carruur ah.

Ugu yaraan 38 qof ayaa sidoo kale ku dhintay halka 491 kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii milatariga Israa’iil ay halkaas howlgallo ka fuliyeen 24kii saac ee lasoo dhaafay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here