Jowhar – ( Radio Isnaay )- Britain ayaa soo saartay siyaasad cusub oo lagu masaafurinayo qof kasta oo ajnabi ah oo lagu helo fal dambiyeed ka dhacay dalkaas, loona tarxiilo waddankii uu ka soo jeeday.
Wasiirka Cadaaladda ee dalkaasi, Shabana Mahmood, ayaa sheegtay in barnaamijka lagu dhimi doono lacagta canshuur bixiyayaasha $70,000 ah ee ku baxaysa halkii maxbuus sannadkii.
Markii hore, qof kasta oo ajnabi ah oo ku nool Britain oo lagu xukumo dambi ayaa lagu xiri jiray xabsiyada dalkaas.
Si kastaba ha ahaatee, kuwa lagu xukumo xabsi daa’im – iyo kuwa geystay dil ama argagixisanimo – waxay ku sii jiri doonaan xabsiga UK iyadoo la raacayo nidaamka cusub.
Boqolkiiba 12 maxaabiista Britain ayaa ah madow, waxaana dowladda cadaadis lagu saarayaa sidii ay u yareyn lahayd ciriiriga ka jira xabsiyada dalkaasi.