Arsenal Oo Garaacday Athletic Club.

0
51

Jowhar – ( Radio Isnaay )-  Kooxda Arsenal ayaa garaacday kooxda Athletic Club kulan ka tirsanaa isku diyaarinta kooxda ee xilli ciyaareedka cusub.

Xiddiga cusub ee Arsenal Victir Gyokeres ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee Arsenal.

Xiddiga ayaa dhaliyay gool madax ah isaga oo furtay akoonkiisii goolasha ee kooxda.

Xiddigaha Saka iyo Havertz ayaa dhaliyay labada gool ee kale iyada oo Kooxdu ku badisay 3/0.

Arsenal ayaa sidaaas ku soo gaba-gabaysay kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here