Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Real Madrid, Florentino Perez, ayaa lagu soo warramayaa inuu si weyn u doonayo saxiixa khadka dhexe ee Manchester City, Rodri.
Sida ay baahisay Cadena Ser, Perez ayaa diyaar u ah inuu si shaqsi ah hoggaamiyo wada xaajoodyada lagu keeni karo xiddiga reer Spain Bernabeu.
Perez wuxuu Rodri u arkaa qayb muhiim ah oo mustaqbalka khadka dhexe ee Real Madrid ah, balse heshiiska ma sahlanaan doono maadaama uu ciyaaryahanku qandaraas kula jiro Manchester City ilaa sanadka 2027.
Rodri, oo ah xubin lama huraan u ah kooxda Pep Guardiola, ayaa ka mid ah khad-dhexe-yaasha ugu sarreeya Yurub, waxaana la filayaa in City ay si adag u hor istaagto inuu xitaa wadahadal la galo Real Madrid.