Mareykanka iyo Rwanda oo ku heshiiyey in Afrika uu qaabilo 250 muhaajiriin ah.

0
30

Jowhar ( Radio Isnaay ) – Mareykanka iyo Rwanda ayaa ku heshiiyey in dalka Afrika uu qaabilo illaa 250 muhaajiriin ah oo laga soo tarxiilay Mareykanka, afhayeen u hadlay dowladda Rwanda oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters, . Sidoo kale sargaal u hadlay aqalka ayaa sheegay in maamulka madaxweyne Donald Trump uu mawqif adag ka taagan yahay muhaajiriinta.

Heshiiskan oo ay markii ugu horeysay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa waxaa bishii June ee sanadkan magaalada Kigali ku kala saxiixday saraakiil Mareykan iyo Rwandan ah, sida uu sheegay sarkaal u dhashay dalka Rwanda oo magaciisa qariyay, wuxuuna intaas ku daray in Mareykanku uu horay u diray liiska 10-ka qof ee ugu horeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here