Leny Yoro Oo Fariin U Diray Dadka Dhaleeceeya Man United

0
10

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Daafaca Manchester United Leny Yoro ayaa si geesinimo leh u sheegay in dad badan ay doonayaan in Red Devils ay fashilanto isagoo digniin adag u diray dadka wax ka sheega kuwaas oo weeraray qaab ciyaareedka kooxda ka dib xilli ciyaareedkii 2024-25.

Yoro waxaa hareeyay dhaawacyo badan xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Old Trafford wuxuuna ku soo bilowday kaliya 12 kulan oo Premier League ah.

United ayaa si guul ah u soo gabagabaysay safarkii isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee ay ku joogtay dalka Maraykanka, halkaas oo ay badisay laba ka mid ah saddexdii kulan ee ay ciyaartay, waxana ay bar-baro la gashay Everton kulankoodii ugu dambeeyay Axadii.

Ka dib markii uu ka soo muuqday safka hore ee dhammaan seddexdii kulan ee America, Yoro wuxuu hadda rajo ka qabaa inuu ku guuleysto koobab kooxda xilli ciyaareedka cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here