Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tartanka kubadda cagta ee u dhexeeya afarta xaafadood ee magaalada Jowhar oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Hirshabelle ayaa si habsami leh uga socda garoonka Shongole Stadium, isagoo qayb ka ah u dabaal-degga Todobaadka Maalinta Dhalinyarada Adduunka ee ku beegan 12-ka Agoosto.
Maalintii saddexaad ee tartanka, waxaa garoonka Shongole Stadium ka dhacday ciyaar adag oo dhex martay kooxaha FC Sahan iyo FC Nasiib, taasoo waqtigii caadiga ahaa ku dhammaatay barbaro 0–0 ah. Kadib rigoorayaal lagu kala baxay, guusha waxaa 4–3 ku raacday kooxda FC Sahan.