Liverpool Oo Laga Diiday Dalab Furitaan Ah Oo Ay Ka Gudbisay Alexander Isak.

0
45

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Newcastle ayaa Liverpool ka diiday dalab furitaan ah oo dhan 120 milyan oo euro kaas oo ay ku  doonaysay saxiixa xiddiga Alexander Isak.

Liverpool ayaa Alexander Isak ka dhigatay bartilmaameedka 1-aad si ay ugu xoojiso weerarka xilli ciyaareedka cusub.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay Newcastle diiday dalab 120 milyan oo ay Liverpool ka gudbisay saxiixa xiddiga Alexander Isak.

Newcastle ayaa diiday dalabka sabab la xidhiidha in ay marka hore doonayso in ay la soo saxiixato badalkiisa.

Xiddiga Alexander Isak ayaa Newcastle u sheegay in uu doonayo in uu ku biiro Liverpool suuqa kala iibsiga xagaaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here