Shiinaha oo bilaabay in uu lacag siiyo waalidiinta dhala caruur badan

0
22

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waalidiinta ku nool Shiinaha ayaa la siinayaa 3,600 yuan oo u dhiganta $500 sannadkii mid kasta oo ka mid ah carruurtooda ay da’doodu ka yar tahay saddex sano.

Waa kabkii ugu horreeya ee dawladda ay ku kabayso qoysaska, waxaana looga gol leeyahya in lagu kordhiyo heerka tirada caruurta dhalanaysa.

Heerka caruurta ku dhalanaysa shiinaha ayaa hoos u dhacayay, xitaa ka dib markii xisbiga shuuciga ah ee talada haya uu soo afjaray siyaasadiisii ku dhisnayd hal cunug ku dhawaad toban sano ka hor.

Gargaarka ayaa ku dhawaad 20 milyan oo qoys ka caawin doona qarashka korinta carruurta, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Dhowr gobol oo ku yaal Shiinaha ayaa tijaabiyay nooc ka mid ah lacag bixinta si loogu dhiirrigeliyo dadka inay dhalaan carruur badan iyadoo dhaqaalaha labaad ee adduunka ugu weyn uu wajahayo dhibaato dadweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here