Faranskiisa oo ku dhawaaqay inuu aqoonsanayo dowlad Falastiin leedahay

0
44

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Faransiiska ayaa si rasmi ah u aqoonsan doona dowlad Falastiin leedahay bisha Sebtembar, sida uu sheegay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, taasoo ka dhigeysa waddankii ugu horreeyay ee ka tirsan G7 oo tallaabadaas qaada.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee X, ee horey loo oran jiray Twitter, Macron wuxuu sheegay in warkan si rasmi ah loogu dhawaaqi doono intii lagu guda jiro fadhiga golaha guud ee Qaramada Midoobay oo ka dhici doona magaalada New York.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here