Mbeumo Oo Sharaxay Sababtii Uu Ugu Biiray Man United.

0
8

Jowhar – ( Radio Isnaay )- Bryan Mbeumo ayaa sharaxay go’aankii uu ku diiday Tottenham ka dib markii Manchester United ay ku dhawaaqday inay 71 milyan kula soo wareegtay xiddiga.

Spurs, oo uu maamulo tababarihii hore ee Brentford Thomas Frank, ayaa dooneysay inay lasoo saxiixato 25-jirka garabka ka ciyaara suuqii xagaaga.

Laakiin United ayaa ku guuleysatay tartanka loogu jiro xiddiga heerka caalami ee dalka Cameroon, kaasoo saxiixay qandaraas shan sano ah.

Red Devils ayaa Brentford ka siisay 65 milyan oo euro iyo 6 milyan oo guno ah iyaga oo kula soo wareegay Mbeumo oo dhaliyay 20 gool Premier League 38 kulan xilli ciyaareedkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here