Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dowladda Britain ayaa ku dhawaaqday nidaam cusub oo cunaqabateyn ah oo lagu beegsanayo kooxaha dadka tahriibiya. Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in cid kasta oo ku lug yeelata laga mamnuuci doono inay u safraan UK, lana xayiri doono hantidooda.
Lixdii bilood ee ugu horreysay sanadkan, in ka badan 20,000 oo qof ayaa ku gudbey doomo yar yar, koror ku dhow 50% sannadkii hore, sida lagu sheegay xogta xafiiska arrimaha gudaha Home.
Isniintii, xoghayaha arrimaha gudaha Chris Philp ayaa sheegay in tirada dadka sida sharci darrada ah ku soo galaya UK ay “dhibaato ammaanka guud” u horseedayso haweenka iyo gabdhaha.