Giriiga oo hakiyay magangelyo siinta muhaajiriinta Waqooyiga Afrika

0
57

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dowladda Giriigga ayaa si ku-meelgaar ah u hakisay dhammaan codsiyada magangelyo ee ka imaanaya muhaajiriinta kasoo talaabaya waqooyiga Afrika, gaar ahaan Libya, kaddib markii ay sare u kaceen dadka xeebaha Crete kasoo dega, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Anadolu Agency.

Tallaabadani waxa ay imaneysaa kadib markii 11-kii Luulyo, baarlamaanka Giriigga uu ansixiyay sharci si weyn u adkeynaya siyaasadda socdaalka kaa soo ah Hakinta codsiyada magangelyada ee muhaajiriinta ka imaanaya Afrikada waqooyi iyo Xiridda dadka si sharci darro ah kusoo gala, iyadoon la geeyneen xarumaha soo dhoweynta.

UNHCR iyo Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Yurub waxay sheegeen in tallaabadani ay jabin karto heshiisyada Qaxootiga ee 1951, gaar ahaan “in aan dib loogu celin qof halis ugu jira dhibaato”.

In ka badan 10,000 oo muhaajiriin ah ayaa gaaray Crete lixdii bilood ee ugu horreysay sannadkan, taasoo dhalisay muran siyaasadeed oo ku saabsan sida uu Midowada Yurub ula tacaaleyo culeyska socdaalka. Go’aanka Giriigga ayaa noqon kara tusaale cusub oo ay raacaan dalal kale oo xuduudaha leh, ama sababi kara dhaleeceyn ka timaadda Brussels.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here