Jowhar – ( Radio Isnaay )- Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhowaan bayaan uu kaga hadlay dhismaha biyo-xireenka Itoobiya ee GERD uu dhaliyay muran baahay, isaga oo ka sheegay kulan uu kula qaatay xoghayaha guud ee NATO, Mark Rutte aqalka cad ee Maraykanka.
Trump ayaa ku sheegay in biyo-xireenka uu yahay mid goynaya qulqulka biyaha Wabiga Nile ee Masar, waxaana uu cabiray doonitaankiisa “xallinta dhibaatooyinkan sida ugu dhakhsaha badan”.