Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Liverpool ayaa u dhaqaaqday saxiixa xiddiga kooxda Newcastle ee Alexander Isak Sida ay sheegayaan wararku.
Liverpool ayaa Newcastle United ku war galisay xiisaha ay u qabto saxiixa xiddiga Alexander Isak inta lagu jiro suuqa xagaagan.
Kooxda Liverpool ayaa ka war qabta go’aanka Newcastle ee ah in aanu xiddigu iib ahayn xagaagan.
Laakiin waxa ay ku war galisay in ay doonayaan saxiixa xiddiga reer Sweden suuqa kala iibsiga xagaagan.
Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay Liverpool la xidhiidhay Newcastle si ay u ogaato go’aanka kama dambaysta ah.
Hadii ay Liverpool waydo Alexander Isak waxa ay u dhaqaaqi doontaa saxiixa xiddiga kooxda Eintracht Frankfurt ee Hugo Ekitike