Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha ugu da’a weyn caalamka ee dalka Cameroon, Paul Biya, oo 92 jir ah, ayaa sheegay in uu mar kale u tartami doono doorashada bisha October ee soo socota, isaga oo sheegay inuu doonaya in uu sii dheereeyo mudada 43-da sano ee uu xukunka hayo.
Waxaa hubaal ah in go’aankayga ah in aan idiin adeego ay barbar socoto caqabadaha aan wajahayno,” ayu ku yiri qoraal uu soo dhigay barta X ee hore loo oran jiray Twitter..
Waxa uu intaa ku daray in go’aankiisa uu markii 8-aad u loolamayo kursiga uu yimid ka dib baaqyo “isa soo taray” oo uga yimid dhammaan gobollada Cameroon iyo dadka qurba-joogta ah.
Maamulka Biya ayaa la kulmay dhaleeceyn dhanka musuq-maasuqa, wax isdaba marin, maamul xumo iyo wax ka qabasho la’aan ama gaabis dhanka amniga ah.
Waxa sidoo kale jiray walaac laga qabo caafimaadkiisa iyo awooddiisa hogaaminta.