Hay’adaha Gargaarka oo ka dayrinaya kororka dadka kasoo qaxaya Suudaan.

0
53

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Hay’adda qaxootiga Norway ee NRC ayaa sheegtay kororka dadka kasoo qaxaya Tawila ee Waqooyiga gobolka Daarfuur ee Suudaan uu abuurayo cadaadis dhibaabaatooyin bini’aadantinimo oo halkaasi ka jira.

Saddex boqol iyo sideetan qof ayaa gaaray halkaasi, iyaga oo kasoo qaxay colaad aad u daran oo ka jirta gudaha aagaga ku hareereysan caasimada gobolka ee, Al Fasher.

Haween iyo carruur ayaa ku qeexay xaalad aad u daran safarka, ayna ku jiraan kufsi iyo dilal ay gaysanayaan kooxda gurmadka degdega ah ee magacooda loo soo gaabiyo RSF.

Tawila ma maamulaan RSF ama ciidamada kasoo horjeeda ee ay isaga soo horjeedaan dagaalka sokeeye, oo (bilowday bishii April 2023.) NRC ayaa sheegtay ururada bini’aadantimada ee halkaasi ku sugan gabi ahaanba xaaladaha bini’aadantimo ay ka tanbateen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here