Khasaaraha ka dhashay fatahaado ku dhuftay Mareykanka oo kordhay.

0
57

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waxaa si kordhayaa khasaaraha ka dhashay fatahaado ku dhuftay gobolka Taxes ee dalka Mareykanka. Ugu yaraan 104 oo ay ku jiraan 31 carruur ah ayaa inta la xaqiijiyey ku geeriyoodey daadad xoog badan oo ku soo rogmadey gobolka Taxes, halkaas oo uu ku fatahay webiga Guadalupe.

Dadaallada lagu samatabixinayo dadka fatahaaddu saameysay ayaa maalintii shanaad socda, iyadoo kooxaha gurmadka degdegga ah ay ku dayayaan in ay la tacaalaan daadgureynta mashaqada ka dhalatay biyo baxada.

Afahayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka, Karoline Leavitt ayaa sheegtay in Madaxweyne Trump u uku wajahgan yahay gobolka masiibadu ku habsatay, siu u u indho-indheeyo hawlaha gurmadka.

Dadka geeriyoodey ayaa waxaa ku jira 27 hablood oo ku jirey goob loo xagaa baxo, ku waas oo daadku qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here