Chelsea Oo Gaartay Final-ka Koobka Kooxaha Adduunka.

0
15

Jowhar – ( Radio Isnaay ) -Chelsea ayaa u soo baxday finalka koobka kooxaha aduunka ee 2025 ee lagu qabanayo dalka Maraykanka ka dib markii ay 2-0 kaga badisay kooxda Fluminense ciyaartii semi-finalka fiidnimadii talaadada.

Chelsea ayaa finalka wajihi doonta kooxdii badisa kulanka Real Madrid iyo Paris Saint-Germain.

Kooxda Chelsea ayaa goolka la hor martay,waxana u dhaliyay ciyaaryahankeeda cusub ee Joao Pedro,waxana uu daqiiqadii 18-aad isaga oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Daqiiqadii 56 aad Joao Pedro ayaa soo laabtay wuxuuna dhaliyay goolkii labaad ee Blues,kadib markii ay kubadu soo gaadhay Pedro oo xerada ganaaxa soo galay isla markaana uu darbo cajiib ah shabaqa dhex dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here