Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Liverpool ayaa calaamadsatay xiddigii badali lahaa xiddiga dhintay ee Diogo Jota kaas oo ku dhintay shil baabuur.
Liverpool ayaa bartilmaameedsanaysa xiddiga reer Argentine ee kooxda Roma ee Paulo Dybala inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Shabakadda reer Talyaani ee Il Romanista ayaa daaha ka qaaday in kooxda reer England ay la xiriirtay wakiillada laacibka si ay ula soo saxiixdaan xagaagan.
Shabakadda ayaa sheegtay in laacibku uu doonayo inuu kasii mid ahaado kooxda ka dhisan caasimadda Talyaaniga, balse ay kooxdu ogolan doonto inay iska iibiso maadaama uu mushaar badan ka qaato.
Dybala ayaa kooxda AS Roma kula jira heshiis ilaa xagaaga 2025/2026 taasoo fududeyneysa dhameystirka heshiiska.
Laacibka 31-jirka ah ayaa 36-kulan u saftay Roma tartamo kala duwan xilli ciyaareedkii hore, wuxuuna ka qayb qaatay 12-gool, wuxuuna u dhaliyay 8-gool, wuxuuna caawiyay 4-kale.